Magalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gaaray Ciidan farabadan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana ay isugu jiraan Millateri, Nabad Sugud iyo Boolis.
Ciidanka ayaa waxaa lagu soo dhaweyay Gudaha Caabudwaaq iyadoo ay weheliyaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda dhexe iyo Maamulka galmudug, mas’uuliyiinta Caabudwaaq gaaray waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.
Magaalada ayaa waxaa ka dhacay dil loo gaystay laba ruux oo shacab ah, waxaana dilkaasi uu salka ku hayaaa anooyin qabiil, iyadoo laga cabsi qabo in ay dhaco dagaal la xariira aanadaasi qabiil, waxaana wararku sheegayaan in Ciidanka la gaarsiiyay Caabudwaaq ay ka hortagi doonaan dagaal beleed salka ku haya dhacdadii maanta.
Degaaanada Galmudug ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay dagaalada la xariira aanooyinka, waxaana magaalooyin iyo degaanno dhowr ah horay uga dhacay dilal.