Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Tahliil Biixi (Shariifu Arwaax) iyo saraakiil u hogaaminayo ayaa gaaray degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed.
Ujeedka Taliye Maxamed Tahliil iyo Ciidanka la socday ay u tageen Wanla-weyn ayaa waxaa uu yahay howlo nabadeed, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka beelaha dirirto dhax martay ee wada dega degmada Wanla-weyn, iyagoo ka wada hadlay sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu heli dadka iyo deegaanka.
Saraakiisha Ciidanka ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu soo afjaro Colaad u dhexeeysa beelaha dagaalamay, kuwaasi oo u dhexmaray dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal beeleedyo xun oo dad inta la dilay, kadibna meydka la gubay, waxaana markii dambe dhacdooyinkaas ku baxay Ciidanka dowladda iyo Maxkamadda Ciidamada.