Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay mar kale shaacisay inay taageersan yihiin Doorashadda la filayo inay dabayaaqadsannadkan ka dhacaan Somalia.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa lagu muujiyey inay Dowladda Maraykanka ka go’an tahay inay kaalintooda ka qaataan Doorashada ka dhacayso Somalia.
War ka soo baxay xafiiska xoghaya wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa waxa uu lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka qeyb qaadaneyso Doorashada 2016-ka Soomaaliya ka dhaceysa iyo Dadaalka ay Dowladda Federalka ugu jirto sidii loo dhidbi lahaa Dimuqraadiyad sal-ballaaran.
Dhinaca kale, Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Maraykanka ayaa lagu xusay inay ku rajo weyn yihiin inay Doorasahaddaasi dhabaha u furi doonto Ammaanka iyo Dimuqraadiyadda Soomaalida Cusub.
Si kastaba ha ahaatee, Taageeradda ay Dowladda Maraykanka u muujisay Doorashadda Somalia waxay ku soo beegantay Iyadoo ay Guddiga Doorashadda Dadban ee Somalia shalay shaaciyeen Jadwalka Doorashadda Madaxweynaha iyo  Guddoomiyaha Cusub ee Barlaamaanka iyo Xulista Xildhibaanadda cusub ee Labada Aqal ee Barlamaanka.
©Radio Dalsan                    Â