Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay baxsashada Wasiirka amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo 28-kii Bishii lasoo dhaafay ee Janaayo ka baxsaday gacanta dowladda Soomaaliya.
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Macharia Kamau ayaa waxaa uu sheegay in aysan Kenya waxba kala socon Arrinta Wasiir Janan oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay baadi goob ugu jirto.
Sidoo kale Xoghaye Macharia Kamau oo la hadlay Wargeyska Nation ayaa waxaa uu sheegay in arrinta Wasiir Janan ay tahay howl Ciidan, isla markaana ay u taallo laamaha amniga.
Taliska Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in Wasiir Janan 28-kii Bishii Janaayo ee 2020 uu ka baxsaday gacanta dowladda, isagoona maalmo kadib Doon ku tegay Magaalada Kismaayo, isla markaana uu diyaarad ka raacay Kismaayo kuna gaaray Magaalada Nairobi.
Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Xaquuqul Aadanaha ee Amnesty international ayaa dowladda Kenya ka dalbaday inay usoo gacan geliyaan Wasiirka amniga maamulka Jubbaland oo baxsad ah.