Dowladda Kenya waxay ku boorisay QM inay maalgeliyaan Hawlgalka Qaaradda Afrika ee ka soo socda Somalia ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si aysan mar kale gacanta ugu dhigin Somalia, waa sida ay sheegtay Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkaasi.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Abaabu Namwamba waxay hadalkaasi ka sheegay Kulan ay Diplomaasiyiin ka kala socday Ururka Midowga Afrika iyo Midowga Europe dhawaan ku yeesheen caasimadda dalka Beljim ee Barasalis.
Waxay kaloo sheegtay in loo bahaan yahay inay Caalamka kordhiyaan maalgelinta Howlgalka AMISOM, iyadoo carrabka ku dhuftay inay nasiib-xumo tahay inaysan AMISOM ku filnayn Lacagaha aan la hubin ee lagu maalgeliyo.
Abaabu Namwamba waxay Kulankaasi ku matalaysay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Moniko Juma.