Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF) waxay ka baaraan degayaan Qandaraas ay Turkiga kaga iibsan doonaan Gawaarida Gaashaaman iyo gaadiid kale.
Ciiddanka KDF waxaa la sheegay inay ka fekerayaan dhowr Xulasho oo kala duwan (A various Options) خيارات مختلÙØ© , si ay u iibsadaan Gaadiidka Cusub ee Gaashaaman oo ay ku jiraan gaadiidka dhulka ee Turkiga ee ay soo saarto Shirkadda Turkishka ee Otokar.
Gaadiidkaasi waxaa ka mid ah Gawaarida Gaashaaman ee Taayarada leh ee (Otokar’s Arma 8×8 tactical wheeled armored vehicle).
Gawaarida Gaashaaman ee Otokar’s Arma 8×8 waa nooca ugu cusub ee ay Shirkadda Otokar farsamayso, waxaana lagu soo bandhigay Carwada Caalamiga ee Wershadaha Difaaca (The International Defense Industry Fair (IDEF) ee bishii May ee sanadkii 2011-kii lagu qabtay magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.
Gaadiidka Gaashaaman ee ay Ciiddanka Kenya ku naaloonayaan inay Turkiga ka iibsadaan waxa uu qaadi karaa ugu badnaan 12 Askari, oo ay ku jiran Dareewalka iyo Taliyaha.
Shirkadda Turkishka ee Otokar waxay dhawaan Heshiis la saxiixatay dal Afrikaan oo aan la carabaabin si looga iibiyo Gaadiidka Gaashaaman ee Arma 8×8 iyo Gaadiidka kale ee Gaashaaan ee Taayarada leh ee (4×4 tactical wheeled armored vehicles).
Qandaraaska Iibsashada Kenya ee Gaadiidkaasi ayaa la filaya in si rasmi ah loogu dhawaaqo bisha July ee sanadkan.
Kenya waxay kaloo ka baaraan-degaysaa inay iibsadaan Gaadiidka Gaashaaman ee ay soo saaraan Wershadaha dalalka Reer Yurub (The European armored vehicle producers), sida Excalibur, Mowag iyo Piranha. ©Ustaad Nuradin Page