Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Amina Mohamed ayaa la shaaciyey inay tahay Musharaxa u taagan xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika “The Chariman of the African Unionâ€.
Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa arrintaasi ka sheegay Shir ay Dhallinyarada Kenya shalay ku yeesheen Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi.
Warar Loo-qaateen ah ayaa sheegayo in Maamulka Jubilee ku booriyeen Kalonzo Musyoka inuu xilkaasi isku soo taago, inkastoo uu ka gaabsaday arrintaasi oo horseeday in la soo bandhigo Musharixnimadda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Amina Mohamed.
Waxa xilkaasi kula tartami doona Madaxweyne-ku-xigeenka Uganda, Specioza Kazibwe, Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Ekwatooriyaal Gini, Agapito Mokuy iyo dhigiisa dalka Botswana, Peleonomi Moitoi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Amina Mohamed waxay Hawlaha Dowladda ku soo jirtay 29-sanno, waxayna mar noqotay Danjiraha iyo Wakiilka Joogtadda ee Dowladda Kenya ee Xarunta QM ee ku taalla magaalladda Geneva.
©Radio Dalsan
Â
Â