Safiirka Dowladda Japan u jooga dalka Ethiopia, Kazuhiro Suzuki ayaa shaaciyey inay Kaalmo lacageed ugu deeqeen dadka ku nool Deegaanadda ay Abaaruhu ka jiraan ee dalalka Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Koonfurta Sudan.
Safiirka oo ka hadlay magaalladda Addis Abeba, waxa uu tilmaamay in 30-million oo Dollar loogu deeqay dadka ku gaajaysan qeybo ka mid ah Ethiopia iyo hagaajinta xaalladda Qaxootiga ku nool Deegaanadda Soomaalida Ethiopia iyo Gobalka Gambella.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay Dowladda Japan  taageero lacageed oo dhan 19.8 million oo Dollars ugu deeqday dadka ku macluulsan dalalka Somalia, Sudan iyo Koonfurta Sudan.
Yaboohan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Hay’addaha Samafalka ee ka hawlgala Somalia ka digeen inay dad badan ku le’an doonaan macluusha ka jirta qeybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland, haddii aan si degdeg ah loo gaarsiin Gargaar Aadminimo.
©Radio Dalsan
Â