Dowladda Qatar ayaa bilaawday in ay kala baxdo ciidamo ay leedahay oo ku sugnaa Xaduuda kala qeybisa Dalalka Jabuuti iyoΓΒ Eretaria kadib markii Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaciil Cumar Geelle uu taageeray xulada Sacuudiga uu hoggaamiyo o xiriirkii u jaray dowladda Qatar.
Dowladda Qatar ayaa daad gureysay Boqolaal Askari oo u dhaxeeyay Wadamada Jabuuti iyoΓΒ Eretaria oo dhowr mar wada dagaalamay,balse ay halkasi Ciidamadeeda usoo gaareen in ay difaac u noqoto dowladda Jabuuti oo dagaal adag kula jirtaΓΒ Eretaria.
Arintaan ayaa keentay in fariisimihii ay ka baxeen ciidamada dowladda Qatar ay durba la wareegaan ciidamadaΓΒ Eretaria oo jaanis u weesnaa in ay daan daansato dowaldda Jabuuti.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa haatan u muuqda mid dalkiisa uu wajahayo caqabado adag,iyadoo ay qarka u saaran yihiin ciidamadaΓΒ Eretaria.
Shaqo adag iyo iskadifaacida CiidamadaΓΒ Eretaria ayaa ka mid ah Shaqooyinka horyaalla Madaxweyne Geelle,oo si fudud u qaatay Go’aan uusan ka fiirsanin oo ahaa taageerida Xulufada Sacuudiga.