Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Shir u dhexeeya Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka gaar ahaan Wasiirada Maaliyada.
Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimaha Maaliyadda dalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo dhamaan Wasiirada maaliyada maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Sidoo kale Shirka ayaa waxaa looga hadi doonaa sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda maamul Goboleedyada iyo arrimo kale.
Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa la filayaa in Shirkan Magaalada Kismaayo uu ka furo saacadaha soo socda, waxaana shirkan uu daba socdaa shirar horey uga dhacay qaar kamid ah xarumaha maamul Goboleedyada iyo dalka dibadiisa.
Si kastaba Shirkan ka furmaya Kismaayo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.