Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Maaliyada Maamul Goboleedyada dalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta yeeshay kulan Mareegta Internet-ka ah.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sidii si wadajir ah looga hortegi lahaa saameynta dhaqaale ee Curdurka halista ah ee Coronavirus iyo u adeegidda Shacabka inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.
 “Waxaa aan ka wada hadalnay sidii aan wadajir uga hortagi laheyn saameynta dhaqaale ee Coronavirus iyo u adeegidda Shacabkeena maadaama lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadan†ayuu yiri Wasiir Beyle.
Ugu dambeyn Wasii Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay wadashaqeynta u dhexeeysa dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, taasi oo ku aadan dhinaca Maaliyadda.