Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shirweyne Qaran oo u dhexeeyay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka iyo Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka dowlad Goboboleedyada dalka.
Shirkaan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay gunaanadka siyaasadda Qaran ee Maareynta khataraha Musiibooyinka iyo Istaraatiijiyada Gargaarka, waxaan sigaar ah diirada loogu saaray isku duwista iyo Maareynka Musiibooyinka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiirka Gargaarka Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis ku gaareen xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa Wasaaraddaha ee Arrimaha Gargaarka ee Bani’aadannimo.
Sidoo kale Wasiiradda ka qeyb galay Shirka ayaa dhammaan hay’addaha Caalamiga ah iyo gaarka ah ee ka shaqeya Arrimaha Gargaarka  Bani’aadannimo faray inay la socdaan howlaha Gargaarka ay dalka ka wadaan Dowladda, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta ka qeyb galay Shirka lagu qabtay Muqdisho ayaa isku raacay in la saameyo Madasha Qaran ee Maareynta khataraha Musiibooyinka Arrimaha Bani’aadannimo iyo Gurmadka Deg-deg ah.
Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirweynaha Qaran.