Safiirkii Imaaraadka Carabta u joogay Somalia, Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamadi ayaa looga yeeray dalkiisa, si dib loogu soo nooleeyo Xiriirka Imaaraadka la leeyihiin Dowladda cusub ee Somalia.
Ilo-wareed ayaa u sheegay Radio Dalsan in Safarka uu toddobkan ku laabtay Imaaraadka, waxaana la rajeynayaa in lagu soo bedelo Safiir Cusub.
Danjire Al-xammadi waxa uu Somalia ka ahaa Ergayga Dowladda Imaaraadka xilligii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ilaa Madaxweynihii bedelay ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuuna Xiriirkii Imaaraadka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh xumaaday, kadib, markii ay Imaaraadka ku taageereen Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid doorashadii Madaxtinimadda ee la qabtay bishii February 8-dii ee sannadkan.
Khilaafka diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka ee haatan ayaa ka dhashay Saldhigga Milliteri ee ay Imaaraadka ka dhisanayaan magaalladda Berbera, kadib, markii Imaaraadka ku guul-daraysatay Qandaraasyaddii waa weynaa ee Somalia.
Dibadbaxyo looga soo horjeedo dhismaha Saldhigga Milliteri ee Imaaaradka ayaa ka dhacay gudaha Somalia, iyadoo Heshiiskaasi lagu tilmaamy mid sharci-darro ah.
Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan booqday Sacuudiga ayaa ka dalbaday Madaxda dalkaasi inay dhexdhexaadiyaan Somalia iyo Imaaraadka Carabta.
Ugu dambeyn, Dowladda Imaaraadka ayaa la filayaa inay Safiir cusub u soo magacaabaan Somalia, waxaana laga yaabaa inay taasi noqon doonto Tallaabo ay Imaaaraadka  ku bilaabayso xiriir cusub oo ay la yeeshaan Maamulka Farmaajo.
©Radio Dalsan