Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaan qarixii weynaa ee maalintii Sabtida ka dhacay magaalladda Muqdisho, kaasi oo ay boqolaal qof ku geeriyoodeen, kuna dhaawacmeen.
Qoraalka waxaa lagu xusay inay Dowladda Imaaraadka la garab taagan tahay DFS dadaalkooda ku aadan Nabadda iyo Deganaanshaha, waxayna Dhinaca kale Tacsi u direen dhamaan Qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi.
Sidoo kale, Imaaraadka waxay ugu baaqeen Beesha Caalamka inay taageero ka geystaan dagaalka lagula jiro kooxaha khatarta ku haya Deganaansha Somalia iyo guud ahaan Caalamka, waa sida hadalka loo dhigay.