Dowladda Federalka ayaa diyaasrisay qorshaheedaGanacsiga ee Mashaariicda u baahan in Qaaraan Caalami ah loo helo, si loo hawlgeliyo.
Hindisaha Dowladda ayaa la filayaa inay kaga dhawaaqaan Shirka Caalamiga ee looga hadlayo Cimillada oo bishan November 30-da ka furmi doona caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.
Shirweynahaasi oo loogu magac daray COP 21 yaaa waxaa Heshiis cusub looga gaarayaa Cimiladda Calaamka.
Dowladda Somalia ayaa rajeynaysaa in loogu yabooho lacag dhan 28 million oo Dollar si dib loogu dhiso Mashruuca Korontadda ee Biyo-xireenka Faanoole, kaasi oo horey loogu dhisay lacag dhan 50 million oo Dollar oo ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Dhismaahaasi o oay Khubaro Shiinees dhisayeen muddadii u dhexeysay sannadihii 1977-kii ilaa1982-kii.
Biyo-xireenkaasi iyo Nidaamka Kanaalka ayaa loogu talagalay in lagu wareebiyo Beerihii Dowladda ee lagu tacbi jirey Bariiska iyo Sisinta ee Degmooyinka Jilib iyo Mareerey.
Mashruuca waxa kaloo uu qorshuhu ahaa inuu Koronto siiyo Degmooyinka Jamaame iyo kuwa kale, balse Mashruuca waxa uu istaagay, kuna burburay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalkeenna.
Haatan, dhamaan Dib-u-soo-nooleynta Mashruuca Faanoole waxa uu kaalin ka qaadan karaan Hadafka dhinaca Cimiladda dalkeenna, iyadoo Korontadda laga dhalinayo biya-xireenka Faanoole.
 © Radio Dalsan