Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu xanibay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo,iyadoona loo diiday inay u duulaan halkaas.
Sheekh Shariif iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa Maanta u ambabixi lahaa Magaalada Kismaayo,halkaas oo uu doonayay inuu uga qeyb galo Xaflada Caaleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhawaan dib loo doortay.
Sarkaal ka tirsan Xisbiga Himilo qaran oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay  in sax ay tahay in Sheekh Shariif la xanibay,balse uusan Garoonka tagin Kaliya ee loo diiday diyaaradiisa markii la ogaaday inuu u duulo Kismaayo.
“Sheekh Shariif gurigiisu ayuu jooga Laakin waa run in diyaaradisa la xanibayâ€ayuu yiri Sarkaal ka tirsam HIMILO qaran oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayay aheyd markii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ku amartay diyaaradaha aada iyo kuwa yimaada Magaalada Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Dhinac kale Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa Maanta Shirkadda diyaaradaha ku amartay in 24-saacadood ka hor soo ay dalbadan fasaxa ah inay u duuli karaan Magaalada Kismaayo.
Si kastaba Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),iyadoona ay ka qeyb galayaan sida uu qorshuhu yahay Madax kala duwan oo lagu Casuumay.