Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war ka soo saartay Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Galmudug la qaban doono 4-Bisha soo socota ee July 2019.
Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa Madaxda Galmudug ugu baaqday in Doorashooyinka ay ku dhacaan si xor iyo xalaal ah,isla markaana ay ka dhacaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Galmudug.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.