War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa Shirkadda diyaaradaha ee u duula Magaalada Kismaayo lagu amray inay soo Codsan markii ay rabaa inay aadan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland.
Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa Shirkadda diyaaradaha ku amartay in 24-saacadood ka hor soo ay dalbadan fasaxa ah inay u duuli karaan Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ay diyaarisay Foom laga buuxin doono Shirkadda diyaaradaha ee doonaya inay dadka u qaadan Kismaayo,isla markaana ay Foomkaas buuxin doonaan.
Dhawaan ayay aheyd markii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ku amartay diyaaradaha aada iyo kuwa yimaada Magaalada Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Si kastaba Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),iyadoona ay ka qeyb galayaan sida uu qorshuhu yahay Madax kala duwan oo lagu Casuumay.