Wasiiradda Difaaca ee dalka Faransiiska, Folorens Parli ayaa sheegtay inaan hubkooda waxyeello lagu gaarsiinin dadka rayidka ee ku nool dalka Yemen.
Waxay intaas ku dartay inaysan haynin caddaymo muujinaya in hubka lagu farsameeyo Faransiiska loo adeegsaday dagaalka Yemen.
Hadalkeeda ayaa soo baxay, kadib, markii uu Websaytka Diskoloos  uu Toddobaadkii hore qoray in hubka Faransiiska ee laga iibiyey Sacuudiga iyo Imaaraadka, kuna jiraan  Taangiyadda iyo Gantaalladda laysarka lagu hago loo isticmaalay dagaalka ka dhanka ah dadka rayidka ee Yemen.