Hadal ka soo baxay ΓΒ Dowladda Federalka Ethiopia ayaa waxa looga digay Maamul-gobaleedka Soomaalida Ethiopia inuu joojiyaan Farriimaha xiisadda dhalin kara ee ka dhanka ah Qowmiyadda Oromada.
Sida aynu ka soo xiganay Wargeyska Addis Abeba waxay Dowladda Ethiopia si gaar ah ugu digeen Madaxa Isgaarsiinta ee Maamulkaasi, Idris Ismaaciil Cali, kaasi oo la sheegay inuu Bartiisa Facebook-ga ku qoro Farriimo la xiriira Colaadda ka dhexeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada wada deggan Bariga dalkaasi.
Qoraalka ka soo baxay Dowladda Ethiopia ayaa lagu xusay in Farriimaha lagu qoro Baraha Bulshadda ay yihiin kuwo ka hor imaanayo Digniintii ay Dowladda Ethiopia ugu baaqday dhamaan Labada dhinac inay joojiyaan wax kasta oo hurin kara Dagaal kale.
Digniintan ayaa timid, kadib, markii uu Madaxa Isgaarsiinta ee Dowlad-gobaleedka Kilinka 5-aad ee Ethiopia, Idris Ismaaciil Cali uu bishan October 5-dii ku daabacay Bartiisa Facebook-ga, taasi oo uu Hal-ku-dheg uga dhigay Γ’β¬ΕDagaalka Dadka Oromada waxay kaga soo horjeedaan Soomaalida EthiopiaΓ’β¬Β.
Arrintan ayaa timid, kadib, markii Qowmiyadaha Soomaalida iyo kuwa Oromadda bishii hore ku dagaalameen Bariga Ethiopia, waxaana iska horimaadkaasi lagu dilay in ka badan 60-qof, iyadoo boqolaal kale ku barakaceen.
Xigasho : Addis Standard