Haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah Jarmalka, Angela Merkel waxay dhigeeda dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn ku boorisay inuu la yimaado Siyaasad Furfuran, isla markaana aysan Boliska awood xooggan kaga hor tegin Dibadbaxayaasha.
Angela Merkel oo booqasho ku jooga Addis Abeba waxay kaloo ugu baaqday Dowladda Ethiopia inay la hadlaan dadka dhibaatadda qaba, si loo xaliyo dadkii lagu dilay dibadbaxyadda.
Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay inay Isbedel ku samayn doonaan Guddiga Doorashooyinka, balse Siyaasiyiinta iyo Kooxaha Mucaaradka ayaa ku gacan-sayray.
Ku-dhawaad 500 oo qof ayaa lagu dilay Dibadbaxyo ay Qowmiyadda Oromiya kaga soo horjeedaan Siyaasadda Dowladda Ethiopia ee ay Tigreyga hoggaamiyaan.
©Radio Dalsan