Afhayeenka Ciiddanka Burundi, Colonel Gaspard Baratuza ataa sgeefay inay Somalia u soo direen 1,810-Askari, kuwaasi oo qeybtii ugu dambaysay shalay ka soo degeen Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.
Ciiddankaasi oo ka tirsan Guutooyinka 44-aad iyo 45-aad waxay bedeli doonaan Guutooyinka 38-aad iyo 39-aad, kuwaasi oo muddo hal sanno ah qeyb ka ahaa Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM.
Colonel Gaspard Baratuza oo shalay Saxaafadda kula hadlay caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura, wuxuuna xusay in Hawsha ay Ciiddanka Burundi ka wadaan Somalia tahay mid lagu ammaanay, iyagoo ku guuleystay dhowr Hawlgal oo ka soo food saaray Hawlgalka AMISOM.
Burundi  waxaa Somalia ka jooga Ciiddanka ugu badan Hawlgalka AMISOM, marka laga reebo Askarta ka socota dalka Uganda.
Tan iyo sannadkii 2007-dii, Dowladda Burundi waxay Somalia u soo daad-gureeyeen ku-dhawaad 8.600 Askari, kuwaasi oo Xilli-hawleed cayiman qeyb ka noqda Hawlgalka AMISOM.