Wasiirka Socdaalka ee dalkaasi, Theo Francken ayaa sheegay in Ninkii ay ciiddanka Jimcihii ku dileen magaalladda Brussels uu ahaa Muwaadin Somali haystay dhalashadda Belgium.
Waxa uu tilmaamay in Ninkaasi magangelyo Qaxootinimo la siiyey sannadkii 2009-kii, isla markaana Dhalashadda dalkaasi la siiyey sannadkii 2015-kii.
Dacwad-oogayaasha dalkaasi ayaa iyagana sheegay inaysan ogeyn inuu Ninkaasi xiriir la lahaa Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan.
Waxay kaloo sheegeen in Ninkaasi bishii February ee sannadkan geystay falal isugu jiray  Kufsi iyo weerar.
Dhinaca kale, Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka Belgium ayaa sheegay inay ka xun yihiin weerarkii lagu dilay Ninka Soomaaliga ee Tooreyda ku weeraray Ciiddan ku sugnaa magaalladda Brussels.
Jaalliyadda ayaa la qorsheynayaa inay dhigaan Dibadbax ay ku cambaaraynayaan Falkaasi.