War Saxaafadeed ay soo saartay Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda u ah dalka Australia, Julie Bishop ayey ku sheegtay inay 20-million oo Dollar ugu tala-galeen sidii wax loogu qaban in ka badan 13 million oo qof oo ku nool dalalka Somalia iyo South Sudan, kuwaasi oo la dhibaataysan cunto-yari ka dhalatay Colaadaha iyo Abaraha.
Dhawaaqa Yaboohaasi oo lagu shaaciyey Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Australia aya lagu sheegay in Kaalmadaasi loo adeegsan doono Cuntadda Degdegga , Nafaqeynta, Adeega Caafimaadka, Biyaha,, Taageeradda Beeraha iyo Hab-nololeedka Bulshooyinka nugul, gaar ahaan Carruurta iyo Haweenka.
Kharajka Kaalmadda ee ay Dowladda Australia bixisay waxaa looga dhinac shaqeyn doonaa Saaxiibadda kale oo ay ka mid yihiinBarnaamijka Cuntdda QM ee WFP, Hay’dda Cuntadda iyo Beeraha Adduunka ee FAO iyo Hay’addo aan Dowli ahayn ee  (NGO)-yada lagu kalsoon yahay.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Australia, Julie Bishop waxay sheegtay inay sii wadi doonaan sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen wax-k-qabashadda  Dhibatooyinka Aadminimo ee ka jira Caalamka.
Tan iyo sanndkii 2014-kii, Dowaldda Australia  waxay Hawlaha Gargaarka Aadmino ee dalalka Somalia iyo South Sudan ku bixisay lacag dhan 120-million oo Dollar.
QM waxay sheegtay in ka badan 6 million oo Soomaali ah u baahan yihiin Gargaar Aadminimo, kuwaasi oo khatar ugu jira Macluul la mid ah tii ka dhacday Somalia sannadkii 2011-kii.
©Radio Dalsan