Dowladda Algeria ayaa ku dhawaaqday inay hawada ka saareen dhamaan Adeegyadii Internetka ee guud ahaan dalkaasi, muddada ay socdaan  Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyadda Sare ee dalkaasi.
Wasiirka Tacliinta ee dalkaasi, Nuuriya Benqabrit waxay u sheegtay Wargeyska Anhaar ee ka soo baxa dalkaasi in muddada ay socdaan Imtixaanaadka in la xayirayo Barta Facebook guud ahaan dalka Algeria.
Waxay intaasi ku dartay in dhamaan Qalabka Elektoroonikadda ee  Adeegyadda kale ee ku shaqeeya Internet-ka ee ay Ardayda iyo Shaqaalaha Dugsiyadda kaga mamnuuci doono dhamaan 2,000 ee Xarumood ee Imtixaanaadka lagu qaadi doono.
Wxsiiradda Tacliinta ee dalka Algeria waxay kaloo hoosta ka xariiqday in qalabka lagu baaro Biraha la dhigayo albaabadda laga soo galo Xarumaha Imtixaanaadka, isla markaana Kaamerooyinka Qarsoon ee CCRV iyo qalabka tashwiishka ku fura Mobayladda la dhigi doona Xarumahaasi, si loogala socdo dhaqdhaqaaqa Qishka ee Ardayda..
In ka badan 700,000 oo Arday ayaa waxa shalay u bilowday Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyadda sare ee dalka Algeria, kaasi oo socn doona ilaa  bishan June  25-da u June.
Natiijadda Imtixaanaadkaasi waxaa la filayaain lagu dhawaaqo bisha soo socota ee July 22-da.