Dowladda Mareykanka ayaa 13 Diyaaradood ka iibisay waddamada Kenya iyo Uganda si ay ugu adeegsadaan Al-Shabaab oo ay dagaal kula jiraan gaar ahaan hawlgalka Amisom ee ka socda Soomaaliya.
Diyaaradahan oo ah nooca loo yaqaan MD 530F,ayaa waxaa ay labada dalba kula wareegeen lacag dhan $87.6 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Uganda horay waxaa ay Ruushka uga iibsatay lix diyaaradood oo ah nooca SU-30MK,waxaana ay ku biirisay waaxdeeda difaaca.
Sidoo kale Sanadkii 2012kii Kenya aya lix diyaaradood ka iibsatay Dalka Mareykanka.,waxaan Diyaaradahaas qaar lagu adeegsaday Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa uu dhacay Bishii September ee 2016kii,waxaana Diyaaradaha qaar ku kala suganyihiin Paris iyo Amisterdam,halkaas oo ay ku sameynayaan dhoolatus bedqabkooda ah kaddibna waxaa loo soo wareejinayaa Waddamada iibsaday ee Bariga Afrika.
Labadan dowladood ayaa diyaaradaha ay iibsadeen waxa ay kula dagaalami doonaan dagaalyahanada Shabaabka ka tirsan ee weerarada ka gaysta dalka Kenya.
Â
Â