Hadal qoraal oo ka soo baxay Dowladda Masar ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyey Weerarkii Habeen hore lagu qaaday Baarka Banadir Beach ee kaabiga ku haya Xeebta Lido ee magaalladda Muqdisho, oo ay ku geeriyoodeen 10 qof.
Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibedda ee dalka Masar, Ahmed Abu Zeyd ayaa sheegay inay Dowladiisa garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay kordhiyaan dadaalka loogu jiro La-dagaalanka Alshabaab inay biiyaan dhamaan Taageero kasta pp lagu soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha dalka Somalia.
Dhinaca kale,Dowladda Sacuudiga ayaa cambaaraysay Weerarkii Alshabaab ka geysteen Baarka Banadir Beah Restaurant ee kaabiga ku haya Xeebta Liido ee magaalladda Muqdisho.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee  Saudi Press Agency ayaa sheegtay inay Dowladda Sacuudiga tacsi u dirayso Qoyasaska ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi.
©Radio Dalsan