Hadal Qoraal oo ay si wadajir ah uga soo baxay QM, Midowga Afrika , Midowga Yurub , Urur goboleedka IGAD , Boqortooyada Ingriiska , Mareykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay bixiyeen dhaqaalihii loogu tala galay Doorashada Soomaaliya 60% si loo sii ambaqaado howlaha doorashooyinka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Beesha Caalamka waxaa lagu xusay inay muhiim tahay in hore loo sii ambaqaado Howlaha Doorashooyinka Somalia, isla markaana aan lagu mashquulin waxyaabaha dib-u-dhac ku keeni kara Qabsooida Doorashooyinka.
Qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka waxa uu ugu baaqay  Madaxda Dowladda Somalia inay ilaaliyaan waqtiga Doorashada, waxayna ku taliyeen in doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynaha in ay muhiim tahay inay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.
Xubnaha Beesha Caalamka ee lacagta bixiyay ayaa sidoo kale waxa ay codsadeen in doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.
“Waa muhiim in ay Shaqadu bilaabato si doorashadu ugu dhacdo waqtigii loogu tala galay†ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.
Michael Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay galeyso marxalad kala duwan, sidaas darteedna loo baahan yahay in si wada jir ah looga qeyb qaado howlaha doorashooyinka.
Beesha Caalamka ayaa sheegaty in ay la shaqeyn doono dhinacyada kala duwan ee ay khuseyso Doorashada Soomaaliya.
Qoraalkaasi laguma xusin tirada  Kharajka loo qoondeeyey Doorashadda Somalia, iyadoo Dowladda Federalka horey u soo bandhigtay Miisaaniyadda Lacagaha ku bixi doona Doorashooyinka oo lagu wado inay qabsoomaan Bishan Septeber iyo October.
©Radio Dalsan