Hadal ka soo baxay Xoghaynta Guud ee Ururka Islaamka ee OIC waxay Baaq Degdeg ah u direen Dowladaha Islaamka iyo Ururraadda Samafalka inay inay si shuruud la’aan ah u kordhiyaan Taageeradda ay siiyaaan Somalia, iyada oo ay xilligan qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia oo waxyeello ka soo gaartay Daadadka iyo Roobabka ka da’ayo Dhulalka Srae ee Ethiopia.
Ururka Islaamka ee OIC iyagoo ka duulaya Warbixino ay ka heleen DFS, xubnaha Isbahaysiga Golaha Iskaashiga Islaamka, Hay’addaha QM IYO Xafiiska OIC ee magaalladda Muqdisho waxaa laga digay inay masiibo weyn oo Aadminimo ka dhalan karto Biyaha Heerka Sare ee Webiyadda Jubba iyo Shabelle.
Dhinaca kale, Xafiiska OIC ee Somalia ayaa la sheegay inay dadka ku barakacay Daadadka gaarsiiyeen Raashin, Biyaha Cabitaanka iyo Darteelka Caafimaadka  isla markaana ay gacan ka geysteen Buundooyin KMG oo laga dhisay Jiinka Webiyadda.