Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa lagu sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaan qarixii gaariga ee shalalay lala beegsaday Suuqa laga dukaamaysto ee Muqdishu Mall ee Degmadda Xamar Weyne ee magaalladda Muqdisho.
Qoraalka waxaa lagu xusay inay Turkiga si xooggan u cambaareynayaan weerarkaas laga argagaxay, waa sida hadalka loo dhigay.
Dhinac kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxay tacssi u dirtay Dowladda Federalka iyo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxii shalay ka dhacay Xarunta laga dukaamaysto ee Mogadishu Mall.
Sidoo kale, waxay dadkii ku dhaawacmay u rajeeyeen inay ka bogsadaan dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxaasi.
Ugu yaraan 7 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxaasi, halka 9 kalena ku dhawaacmeen, kuwaasi oo lagu daaweynayo qaar ka mid ah Isbitaalladda Takhasusiga ee ku yaalla magaalladda Muqdisho.