Wasaaradda caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay COVID-19 kala wareegtay Hay’adda Bisha Cas.
Wasiirka Wasaaradda Dr Jamaac Faarax Xasan ayaa cisbitaalka Garoowe kagala wareegay hay’adda Bisha Cas Puntland qalab loogu talagalay COVID19, qalabkaan ayaa ka koobnaa Oxygen iyo Mashiinka lagula socdo qofka xasuusan (Patient Oxygen Moniter).
Qalabkaan ayaa loogu tagalay in la geeyo cisbitaalada Garoowe, Galkacyo, Qardho, Boosaaso.
Madaxa Bisha Cas Mohamuud Ismaaciil Cali (Tima Cade) oo qalabka wasiirka ku wareejiyay ayaa sheegay in qalabkaan ay bixinayaan dhaqaalahooda ay bixisay Dalka Kuwayt uuna soo dhawaynayo inuu wasiirka maanta ku wareejiyo, waxaana rajaynayaa inuu wax badan ka caawin doono cisbitaalada lagaynayo.
Wasiirka Wasaaradda Puntland oo qalabka la wareegay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay in maanta ay la wareegaan Mashiinadaan Oxygenta oo xiligan kamid ah waxyaabaha loogu baahi badanyahay si loola tacaalo bukaanada uu saameeyay xanuunka Covid19.
Wasiirka ayaa sidoo kale Maamulka cisbitaalada la gaynayo kula dardaarmay inay sida ugu wangsan uga faa’iidaystaan wax badana uu ka badali doono shaqooyinka cisbitaalada ka socota.