Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa lagu qabtay doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Baladweyne.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#030 ayaa waxaa ku tartami lahaa Cali Cabdullaahi Xeefow iyo Daahir Amiin Jeesow oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas, balse waxaa tartanka ka haray Cali Cabdullaahi inta aysan bilaaban doorashada.
Daahir Jeesow ayaa ku guuleystay oo kusoo baxay mar kale kursiga OP#030 Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa.
Kursiga HOP#010 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Cismaan (Gureey) oo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii tartanka doorashada uu ka tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Cabdinaasir Maxamuud Cabdi.
Kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa Maanta ka dhacday Baladweyne HOP#066 oo ahaa mid lagu loolamay ayaa waxaa ku tartamay saddex Musharax oo kala ah Maalik Ibraahim Cabdalla, Cumar Cusmaan Waasuge iyo Cabdirahman Daahir Guure.
Doorashada kursiga HOP#066 ayaa loo doortay Maalik Ibraahim cabdalla oo helay Codad gaaraya 58 cod, Cumar CUSMAAN waasuge oo helay 7 cod iyo Cabdiraxmaan Daahir Guure oo isna helay 31 cod, sida ay shaaciyeen Natiijada Guddiga doorashada Hirshabeelle.