Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu qabanayaa doorashada sadex kursi oo ka banaan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kuraasta la dooranayo waxaa kala baneeyey Xuseen Cismaan Xuseen taliyihiihore eehay’adda Nabadsugidda, Axmed Cabdulle Mayow (Cornel Ruush) oo dhintay iyo Madaxwaynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen.
Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ku sugan Baydhabo ayaa maamulaya hawsha doorashada oo goor dhaw bilaabanaysa.
Sidoo kale Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socota qabanqaabadii ugu dambeysay ee Doorashada ,iyadoo ay diyaar yihiin musharixiinta u tartamaysa buuxinta boosaskaasi.