Shan doonyaha dagaalka oo la rumeysan yahay inay wateen Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan ayaa rasaas digniin ah lagu furay, kadib, markii ay u soo dhawaadeen Markab Booyadle Shidaal oo dalka Britain laga lahaa, kaasi oo marayey Biyaha Gacanka Carbeed.
Markabka Dagaalka ee Montrose oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda Britain ayaa la sheegay inuu doonyahaasi dib u waabiyey, kadib, markii uu ku furay rasaas digniin, taasi oo sababtay inay Doonyaha Iiraan dib u gurtaan.
Sarkaal Maraykan ah oo goobjoog u ahaa dhacdadaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inuu Markabka Shidaalka ee Britain marayey dhinaca Waqooyi ee laga soo galo Gacanka Hormuz, xilligii ay Doonyaha Iiraan isku tijaabiyeen inay qafaashaan.
Sarkaalkaasi waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo shilkaasi oo yimid hal isbuuc kadib, markii Markab shidaal oo laga lahaa Iiraan lagu qabtay meel ka baxsan Jabal-daariq ama Jibraltar oo u dhow dalka Spain, balse, Maamul ahaan hoos taga Booqrtooyadda Britain.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Iiraan, Xasan Ruuxaani waxa uu horey ugu hanjabay inay Britain cawaaqib-xumo kala kulmi doono Markabka Iiraan ee ay isbuucii hore ka qabteen Badda Caalamiga ee u dhow dalka spain.