Hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Raashiya ayaa markii ugu horreysay waxay xalay ku wada hadleen Teleefoonka, tan iyo markii ay Maraykanka duqeeyeen dalka Syria bishii April ee la soo dhaafay.
War-saxaafadeedyo ay soo kala saareen Aqalka Cad iyo Aqalka Keremiliinka ayaa lagu sheegay inay Labada Hoggaamiye yeesheen Wada-hadal muhiim ah oo looga hadlay Xiisadda Waqooyiga Kuurya, Dagaalka Daacish iyo colaadda dalka Syria.
Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay inay Donald Trump iyo Valadamir Putin isku af-garteen inay labada dhinac waajib ku tahay inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan, si loo joojiyo colaadda dalka Syria.
Labada Hoggaamiye waxay isku raaceen inay bisha July 7-da ilaa 8-da Kulan Fool-ka-fool ah ku yeeshaan dalka Jarmalka, si ay u ambaqaadaan Iskaashiga Labada Waddan ee Arrimaha Syria.
Kulankaasi ayaa waxa uu ka barbar dhici doonaa Shirka Madaxda Dowladaha Kooxda G 20, kaasi oo bishan July 7-da ka furmi doona magaalladda Hamburg ee dalka Jarmalka.
©Radio Dalsan