Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku hawlan sidii uu u qaboojin lahaa Kacdoonka Dibadbaxyadda ee ka dhashay Amarkiisa, wuxuuna sheegay in dib loo bilaabi doono sidii Fiisaha loo wada siin lahaa dhamaan dalalka Caalamka.
Waxa uu xusay in 90 maalmood kadib la bilaabi doono arrintaasi, kadib, marka la hubiyo Siyaasadda Ammaanka.
“Wey iska cadahay inaysan ahayn Xayiraadda Muslimiinta, tani kuma xiriirsana Diin, tani waxay ku saabsab tahay Argagixiso iyo in la sugo Ammaanka dalka†ayuu ku dooday Donad Trump, wuxuuna Warbaahinta ku eedeeyey inay tebiyaan warar been ah, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kale oo uu sheegay inay jiraan in ka badan 40 Waddan oo badankooda Muslimiin ah oo uusan saamaynin Amarka uu Muslimiinta uga xayiray inay soo galaan Maraykanka.
Amar uu Jimcihii saxiixay ayaa waxa uu amar ku bixiyey in dadka u dhashay  dalalka Somalia, Sudan, Yemen, Syria, Libya, Iraq iyo Iran laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka.
©Radio Dalsan