Saraakiil ka tirsan Maamulka Trump oo aan fasax u haysanin inay Saxaafadda la hadlaan ayaa sheegay in la kordhinayo Miisaaniyadda Milliteriga Maraykanka ee sannadka 2018-ka, lana gaarsiin doono 54 Billion oo Dollar.
Kharajka lagu kordhinayo Miisaaniyadaasi ayaa laga jari doonaa Kharajyadii loogu talagalay Kaalmadda dibedd iyo Barnaamijyadda kale ee Gudaha, iyadoo  ku-dhawaad 10% la kordhin doono Miisaaniyadda Milliteriga dalkaasi.
Kongareeska Maraykanka ayaa la filayaa inay bartamaha bisha soo socota ka doodaan Miissanaiyadaasi, waxaana la rajeynayaa inay Dood-siyaasadeedkii ugu ballaarnaa keeni karto Ansixinta Miisaaniyaddaasi..
Kordhinta Miisaaniyaddaasi ayaa timid, iyadoo Donald Trump horey u ballan qaaday inuu Maraykanka ka dhigayo Ammaan.
©Radio Dalsan