Madaxweynaha dalkaasi waxa uu ku tallaabsaday inuu weerar kale ku qaado Afarta Haweenka midabka leh ee ka tirsan Kongareeska, kuwaasi oo had iyo jeer naqdiya Siyaasadiisa.
Qoraal uu Twitter-kiisa soo dhigay waxa uu u baaqay Xildhibaanadaasi inay raalli-gelin bixiyaan, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay Cunsuri.
“Ma rumeysani inay afartaasi Haweenka ka tirsan Kongareeska jecel yihiin Dalkeenna. Waa inay raalli-gelin siiyaan Maraykanka iyo Israel waxyaabaha nacaybka leh ee ay sheegeen. Waxay burburinayaan Xisbiga Dimuqraadiga, laakiin waa tabar daran yihiin iyo dad aan la aamin Karin  ma burburin karaan Qarankeenna Weynâ€ayuu Trump ku yiri Bartisia Twitter-kiisa.
Dhinaca kale, Trump waxa uu isbuucii hore soo dhigay Twitter-kiisa qoraal uu ku sheegay inay Haweenka Xisbiga Dimuqradaiga ee ka tirsan Kongareeska dib ugu laabtaan dalalka ay horey uga yimaadeen, haddii aysan jeclayn Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Afarta Haween ee uu Trump weerarka afka ku hayo waxay kala yihiin Ilhan Omar, Rashiida Dalayba, Ayaanna Pressley iyo Alexandria Ocasio-Cortez, kuwaasi oo si wadajir ah u naqdiya Siyaasadda Trump iyo Israel.
Si kastaba ha ahaatee, Haweenka Xildhibaanadda  ka tirsan Kongareeska Maraykanka weli kama aysan jawaab-celin hadalkii Trump ee ahaa inay Raalli-geliyaan siiyaan Maraykanka iyo Israel.