Madaxweynaha Maraykanka waxa uu oggolaaday inuu Madaxda dalalka Isbahaysiga NATO kulan la yeesho bisha May ee soo socota, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay Aqalka Cad.
Donald Trump waxa uu khadka Telefoonka kula xiriiray Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Jens Stoltenburg oo ay ka wada hadleen Arrimaha NATO iyo colaad ka socota Bariga dalka Ukraine.
Wada-sheekeysiga Labadaasi Hoggaamiye ayaa ku soo beegmay, iyadoo uu Donald Trump horey u sheegay inuu Dowladaha xubnaha ka ah NATO kordhiyaan kharajka ay ku bixiyaan Hawlaha Isbahaysiga, si Maraykanka looga qaado culayska dhaqaale ee uu ku bixiyo Hawlaha NATO.
©Radio Dalsan