Diyaarado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo kuwa dagaalka ah ayaa rasaas ku riday deegaanno ka tirsan Somaliland, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Salal Axmed Maxamed Xaashi.
Diyaaradahan ayaa rasaas ku riday dad ku dhaqan miyiga deegaannada ku dhaw magaalo-xeebbeedda Saylac.
Walow aanay jirin dad wax ku noqday, haddana waxa uu sheegay Gudoomiyuhu inay sababeen dhimashada xoolo nool iyo argagax-gelinta dadka deegaanka.
Soomaaliland Madaxdeda ayaanan weli ka hadlin duqeynta laga geestay deegaanadeeda,balse waxaa lafilaaya in maalmaha soo socda ay ka hadlaan.