Kooxaha Gurmadka ayaa sheegay inay ugu yaraan 10 qof ku dhaawacantay Duqeyntaasi oo la tuhunsan yahay inay geysteen Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Raashiya.
Duqeyntaasi  oo xalay dhacday ayaa lala beegsaday Isbitaalka  ugu weyn ee ku yalla DEgmdda Maarat Al-numcan ee Gobalka Idlib.
Kooxaha Gurmadka yaa sheegay in 3 jeer la duqeeyey Dhismahaasi, o olagu burburiyey Int badan Qollk Qaliink iyo kuwa Gurmadka.
Dhamaan dadkii Bukaanadda ee jiifay Isbitaalkaasi waxaa loo daad-gureeyey Isbitaalo kale.
Toddobaadkii hore, Isbitaal ay maamusha Hay’adda Dhakhaatiirta n Xuduudka Lahayn ee MSF oo ku yaalla Gobalka Xama ayaa la duqeeyey, sida lagu sheegay ar-saxaafadeed ka soo baxay MF.
Ugu yaraan 2 qof oo uu ku jiray Dhakhtarkii Qaliinka Lafaha ee Isbitaalkaasi, Dr. Darwiish ayaa lagu dilay Duqeyntasi.
©Radio Dalsan
Â