Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen.
Duqeynta ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada kala ah Saakow iyo deegaano u dhaxeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana la sheegayaa in halkaas ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta Koowaad ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Hargeysa-yarey, waxaana la sheegay in halkaas lagu burburiyey Xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen, sidoo kalena lagu dilay xubin kamid ah Al-shabaab.
Dad ku sugan deegaanada duqeynta laga fuliyay ayaa soo sheegaya in xalay ay maqlayeen Jug Culus iyo guuxa diyaarado joog hoose ku socda, isla markaana ay dareen Cabsi xoogan, sidoo kalena aysan sheegi Karin in dad shacab ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymahaas.
Inta badan diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeymo ka geysta deegaanada ay Gobolada dalka uga sugan yihiin Al-shabaab.