Waxaa daqiiqado kahor Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradii afaraad oo ka timid dalka Turkiga oo siday Gargaar Caafimaad oo loogu talagalay dowladda Somalia laguna xakameynayo Cudurka Coronavirus.
Muqaal kooban oo ay Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya ku daabacday barta ay ku leedahay faceboka ayaa waxaa ku qornaa qoraalkan “Diyaaradii afaraad ee sida qalab caafimaad ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladdaha sida xowliga ah Dowladda Soomaaliya uga taageerayo xakameynta cudurka Covid-19 oo sameyn ku yeeshay dalka.
Waaberigii horey ee saakay ayay aheyd markii diyaaradii saddexaad oo ka socotay dalka Turkiga ay gargaar Caafimaad keentay Muqdisho, taasi oo lagu wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Tirada xaaladaha COVID-19 ee guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay ay gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux, halka 32 ruux oo kale ay u geeriyoodeen.