Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga dolwaad Goboleedka Puntland ayaa ku warramaya in goordhaweyd halkaasi uu ka billawday dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada PSF ta iyo Ciidamada Badda Puntland ee PMPF
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan  in labada Ciidan ay isku isku hayaan, soo dejinta diyaaradda ay la socoto Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka oo goordhaweyd diyaarad ay saarnayd laga celiyay Hawada.
Magaalada Boosaaso ayaa haatan laga maqlayaa is-rasaaseynta, iyadoo Ciidamada PSF ay doonaya in la soo dejiyo diyaaradda sidda Ku-simaha Madaxweynaha JFS Sacdiya Xaaji Yaasiin, halka ciidamada Badda Puntland ee PMPF ay arrintaasi ka hor yimaadeen.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa hawada qabsaday uuro iyo qiiq, sida ay muujinayaa sawirro laga soo qaaday halkaasi.
Waxaana dadka degaanku ay intaa ku dareen in ay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay laabda dhinac isku adeegsanayaan, sidoo kale khasaaro ayaa lasoo sheegayaa in kastoo aan la caddeyn ilaa iyo hadda tirada dadka kuw axyeelobay is-rasaaseyntaasi.
Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in diyaaraddii sidday Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Smaatar ay ka degtay Boosaaso.
Waxaana Dagaalkaasi yimid kadib markii Puntland ay amartay in Boosaaso laga celiyo, diyaaradd sida la sheegay sidday deeq Gargaar ah oo loogu talo-galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen, ee ku dhaqan degaanada maamul Puntland.