Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulista Hawada ee Soomaali ayaa sheegay in ugu yaraan 15 jeer ay isticmaaleen hawada Soomaaliya diyaaradaha Qadar Airways tan iyo markii qaar kamid ah dowladdaha Carrabta ay xiriirka u jareen dowladda Qadar.
“Diyaaraddaha Qadar Airways, ayaa hal ama laba duullimaad ku imaan jiray dalka Soomaaliya maalin kasta, ka hor inta aysan qarxin xiisada u dhexeysa Qadar iyo qaar kamid ah dowladda Carrabtaâ€, sidaasi waxaa wakaalladda wararka ee AP u sheegay Sarkaal ka tirsan waaxda duulista hawada ee Soomaaliya oo aan fasax u heysan in uu warbaahinta la hadlo.
Isniintii lasoo dhaafay, dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carrabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.
Dowladda Masar, ayaa Qadar ku eedeysay in ay taageerto kooxda Muslim Brotherhood ee dalka Masar ku sugan, sida wakaalladda Wararka ee dalka Masar ay sheegtay.
Dhinaca kale Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.
Wakaalladdu waxay soo xigatay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga golleeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.
Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa diplomaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada.
Siyaasada arrimaha dibada ee Soomaaliya?
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wajahaya loolankii ugu adkaa ee dhanka siyaasada arrimaha dibadda tan iyo intii uu xafiiska yimid.
Farmajo ayaa booqasho ku tegay wadamadda Sacuudiga, Immarradka iyo Qadar, isagoona heshiisyo lasoo kala saxiixday.
Sanadkii 2016, markii dowladda Sacuudiga ay xiriirka u jartay dalka Iraan, dowladda Soomaaliya iyana waxaa ay xiriirka u jartay dalka Iraan, waxaana magaalladda Muqdishu laga ceyiyay shaqaallihii safaarada Iraan ee Soomaliya.
Hawada iyo Badda Soomaaliya ayaa muhiim u ah dowladdaha hadda siyaasada diplomaasiyadeed isku haya, waxaana midaasi laba daran mid dooro ay u tahay Soomaaliya.