Gelinkii dambe ee shalayΓΒ ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka degtay diyaarad sida deeq Daawo ah oo farabadan.
Deeqdan Daawada ah ayaa waxaa Baladweyne gaarsiisay HayΓ’β¬β’adda Caafimaadka AduunkaΓΒ ee (WHO), isla markaana waxaa HayΓ’β¬β’adda Deeqda kala wareegay isku-duwaha ΓΒ Wasaaradda Caafimaadka maamulka Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan Dr. Axmed Maxamed Khaliif.
Isku-duwaha ΓΒ Wasaaradda Caafimaadka ayaa HayΓ’β¬β’adda WHO uga mahadceliyay deeqdaas ay gaarsiisay, wuxuuna sheegay in muhiim u yahay xiligaan dadka deegaanka Magaalada Baladweyne iyo dadka kale ee kunool Gobolka Hiiraan.
Shixnadan Dawada ah ayaa ah sigaar ah loogu tala-galay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baladwayne oo la tilmaamay in Isbitaalka ay ka jirto baahi daawo, si wax loogu qabto bukaano jiifa halkaas.