Maxaabiistaan Soomaalida ah ayaa ka mid ahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyo ku yaalla dalka Kenya,waxaana la sheegay in ay dhawaan ku soo wajahan yihiin dalka soomaaliya kadib markii ay dhameysteen xukuno xabsi ah oo lagu riday.
Maxaabiistaas ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 26,kuwaas oo isugu jira Rag iyo Dumar,waxaana ay ku xirnaayeen xabsi ku yaalla Magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Kenya oo ay ka mid tahay Magalada Gaarisa.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ahna Qusulka Safaarada Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi ayaa sheegay in Maxaabiistaas markii la soo daayey ay la soo xiriireen,isla markaana ay yihiin kuwo dhameystay xukunadii lagu riday Maalinat berito ahna ay ku soo wajahan yihiin Magalada Muqdisho.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Dhalinyarada Xabsiayda laga soo daayay ayaa waxa ay sheegeen inay aa dugu faraxsan yihiin inay dib xurriyadooda u helaan,sidoo kalena ay rajeynayaan inay dib ugu soo laabtan dalkooda hooyo.
Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan haataan Maxaabiistaas oo dhalinyaro u badan ay ku sugan yihiin Xarunta Magareeshinka Garoonka Yahya Hows si Maalinta berito ah ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxa ay qaar ka mid ah wadamada Caalamka ka keentay Maxaabiis farabadan oo Soomaaliyeed,kuwaas oo siyaabo kala duwan ugu xirnaay dalalkaas.