Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa soo caga dhigatay diyaarad ka timid dalka Qatar oo sida dhaqaatiir Caafimaad iyo Daawo badan oo loogu talagalay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaradan oo kasoo duushay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalkaas ayaa waxaa soo diray Amiirka Qatar Tamiin Bin Hamad Althani, waana diyaaradii labaad oo sida gargaar Deg-deg ah oo dalka timid dowladaha taageera Somalia, kadib markii maalmo kahor Qarax Muqdisho ka dhacay.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa wafdiga la socday diyaarada Qatar waxaaa kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan dowladda, Xildhibaano, Madax ka tirsan Beesha Caalanka, Guddiga Gurmadka Qaran iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.
Sidoo kale diyaaradan ayaa Muqdisho ka qaadi doonta qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Sabtida ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay dalka Turkiga u qaaday qaar kamid ah dhaawacyadii cuslaa ee ku waxyeelloobay qaraxii Ex koontarool, waxeyna dowladdu wadaa gurmad dibadda loogu qaaday dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaba Karin.