Maxamed maxamuud Nuur Caalin oo ah Doplamasi ka faalooda arimaha siyaada Soomaaliya oo wareysi siiyay idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee xilligan Dalka marayo isagoona sheegay xeerka Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ansixiyay heshiiskii madasha oo ay ansixintiisa Baarlamaanka ku guul dareysteen in la dhaqan galiyo,
Doplamaasi Caalin ayaa taageeray go,aanka Madaxweynaha wuxuuna sheegay in go,aankan loo eegay dhinaca maslaxada maadaama Dawlad kasto markii lagaaro mudo xill dhamaadkeeda in uu khilaaf hareeyo taasina ay keento in Wadamada dariska lagu xaliyo si aysan taasi u dhicin ayuu Madaxweynuhu garowsaday in xeerkaan uu soo saaro,
Caalin ayaa sheegay in marka laga eege sharciga uu Madaxweynuhu xaq u leeyahay badbaadinta qaranka hadii uu u arko in xaalada Dalka khatar galeyso in uu isagu leeyahay go,aanka ugu dambeeya
Wuxuuna ku baaqay in aan Dalka loo horseedin bur-bur si cadawga aysan fursad ugu noqon sida uu hadalka udhigay
Ugu dambeeyn siyaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalin ayaa Baarlamaanka Soomaliya ugu baaqay in ay taageeraan go,aakan oo ah Wadada lagu dhisayo fadaraalka wuxuuna kula taliyay Baarlamaanka Soomaaliya in ay dhageystaan in hanaanka doorashada loogu diyaar garoobayo si hufan oo ay niyad sami ku jirto una jajabin Baarlamaanku  qabiil qabiil iyo koox koox loona baahanyahay in ay arintaan dulqaadkeeda yeeshaan si ay u guuleysato doorashada dabayaaqada Sanaddkan,
Wariye Cabdi Waxiid ayuu la hadlay
Halkan ka dhageyso:-