Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa daqiiaqdo kahor gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaa qeybta Canshuurta qaada ee Minishiibiyada loo yaqaano.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay inuu dilka sigaar ah uga dhacay meel ku dhow Masjidka Irshaad ee Kaaraan, waxaana la toogtay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada xili ay ku jireen goob lagu gooyo boonada Gaadiidka Carro-gediska.
Ragii dilka geysta ayaa la tilmaamay in goobta ay uga baxsadeen si Deg deg ah, isla markaana waxaa sida caadada aheyd daqiiaqdo kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo qaaday Meydadka Askarta.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo falka kadib goobta ka baxsada.